dcsimg
 

Macluumaad ku saabsan Liisanka TVga

Waxaad u baahan tahay in aad haysato Shatiga TVga si

  • u daawo ama u duubo barnaamijyada sida ay uga muuqdaan TV-ga, kanaal kasta
  • daawo ama si toos ah barnaamijyada u gala soco adeegga onleenka ah ee TV (sida ITVX, Channel 4, YouTube, Amazon Prime Video, Now, Sky Go, iwm).
  • soo dajiso ama BBC iPlayer ka daawo barnaamij kasta oo BBC ah.

Tani waxay noqon kartaa qalab kasto, ay ku jiraan TV, kombuterka miisaska, laabtob, telefoonka moobeylka, aaladaha shaashadda leh ee ciyaaraha, sanduuqda dhijitaalka ama duubaha DVD/VHS.

Shatiga TV caadiga ah ee midabka leh qiimahiisu waa £169.50. Mar ayaad wada bixin kartaa ama waxa aad dooran kartaa inaad marba in bixiso kharashka. Boggan ayaa waliba adiga kuu sheegaya siyaabaha kala duwan ee aad ku bixin karto, shatiyada ganacsiyada, iyo haddii aad uqalanto ka-dhaafid iyo in kale.

Xiriirinta boggan ku yaal ayaa taga bogag Ingiriisi ku qoran. Haddii aad jeceshahay inaad nala hadashid, fadlan ka soo wac Khadka Luqadda lambarka 0300 790 6044*.

 
Ma u baahan tahay Shati TV?

Marka la joogo Boqortooyada Midowday, Jasiiradaha Janal iyo Ayl of Man, waxa aad u baahan tahay inaad haysato Shatiga TVga haddii aad:

  • ka daawato ama ka duubato barnaamijyada tooska ah ee TVga ee janal ama aalad kasta (oo ku baxaya luuqad kasta, ka imanaya meel kasta adduunka), ama
  • ka soo dejisato ama ka daawato barnaamijyada BBC ee BBC iPlayer-ka.

Tani sidoo kale waxay khusaysaa aalad kasta iyo bixiye kasta oo aad isticmaasho, oo ay kujiraan:

  • TVyada (ay kujiraan ismaart TVyadu)
  • Duubyaasha DVD, Blu-ray iyo VHS
  • Laabtobyaada iyo kombiyuutarada miiska
  • Taabletyada, telefoonnaada gacanta iyo aaladaha kale ee la qaadan karo
  • Sanduuqyada dhijitaalka ah ama PVRyada (sida Sky, Virgin Media ama BT TV)
  • Aaladaha shaashadda leh ee ciyaaraha (games consoles)
  • Aaladaha baahiyaha warbaahinta (sida Amazon Fire TV, Apple TV, Chromecast, Roku iyo Now TV)
  • Freeview, Freesat ama YouView

Waxaad cinwaankiiba ugu baahan tahay oo kaliya hal Liisan TV, xitaa haddii aadan isticmaalin aalado badan. Shuruudo kala duwan ayaa ku aaddan guryaha aan lahayn heshiiska kirada wadajirka ah iyo meheradaha, oo looga baahan karo liisan hal ka badan. . Haddii aad leedahay guri labaad, waxaad u baahan tahay liisan u gaar ah cinwaankaas. Wixii dheeraad ah ka ogow adiga oo waca 0300 790 6044.

Waxa aad jabinaysaa sharciga haddii aad daawato ama duubato barnaamijyada TVga ee tooska ah ee janal kasta ama aalad kasta, ama ku soo dejisatid ama daawatid barnaamijyada BBC iPlayer, adiga oon shati u haysan. Waxa aad halis ugu jirtaa dacwayn iyo ganaax gaadhaya ilaa £1,000 (ganaaxa ugu sareeya Guersey waa £2,000) iyo wixii kharash sharci ah iyo/ama magdhaw ah ee ay dhici karto in lagu amro inaad bixiso. Markay tahay Scotland, xeer Ilaaliyaha ayaa go'aamin doona in dambi lagugu qaado iyo in kale.

Uma baahnid Shatiga Telefishanka ee BBC iPlayer haddii aad daawadtid kaliya S4C’s TV oo dalabka ama dhageysatid raadiyowga.

Guriga ma ka guurtay dhawaan?

Haddii aad guriga ka guurtay, ama faahfaahinta aan adiga kaa hayno ay khalad tahay ama ay isbeddaleen, fadlan noo sheeg faahfaahinta cinwaankaaga cusub ama noogu soo qor waraaq TV Licensing, Darlington DL98 1TL.

Ha daawan TVga tooska ah ama BBC iPlayer?

Haddii aad weligaa daawato ama aad duubato barnaamidjyada TVga tooska ah oo ka soo baxa janal ama qalab kasta, oo aadan weligaa soo dejisan aadan daawan ku barnaamidjyada BBC iPlayer, uma baahnid Shatiga TVga. Fadlan noo soo sheeg inaadan u baahanayn liisan ama naga soo wac 0300 790 6044*. Shuruudo ka duwan ayaa ku aaddan meheradaha.

Haddii aad noo sheegto inaadan u baahnayn shati/laysin, waxaa laga yaaba in aan ku soo booqano si aan u xaqiijino in aan loo baahnayn shati. Booqashooyinkani waa muhiim sababtoo ah, markaan xiriir samaynayno, waxaan helnaa, mid ka mid ah lixdii* qofba ee noo sheegay inaysan u baahnayn shati ay run ahaantiina u baahnaayeen shati.

*Laga bilaabo Maarso 2019

Shatigaaga uma baahnid miyaa hadda kadib?

Haddii aad leedahay Shati TV laakiin aanad daawan ama duuban barnaamijyada TVga ee tooska ah ee janal ama aalad, oo aanad wax soo dejisasho ah samayn ama ku daawan barnaamijyada BBC iPlayer, waxa dhici karta inaad mutaysatay lacag-celin. Si wax dheeraad ah aad u ogaato, fadlan naga soo wac 0300 790 6044*.

Waa immisa Shatiga TV?

Shatiga TV-ga kalarka leh waa £169.50 sanadkii. Haddii aad tahay indhoole (aragga oo aad naafo ka tahay) ama aad 74 jir tahay ama aad ka weyn tahay, waxaad xaq u yeelan kartaa shati lacagtiisa-la dhimey ama lacag la'aan ah.

Waxaad ku bixin kartaa ama dib-ugu-cusboonaysiisan kartaa Liisanka TVga internetka kaarka lacagta ay kuugu jirto (debit card). . Haddii kale, waxaad ka heli doontaa hoosta dhammaan siyaabaha kala duwan ee aad ku bixin karto lacagta liisanka. . Haddii aad cusboonaysiinayso Liisanka TVga waxaad u baahan doontaa lambarkaaga liisan ee hadda aad haysato.

Sida lacagta looga bixiyo Shatigaaga TV

Waxaad u bixin kartaa hal mar qura ama waxaad u kala baahsan kartaa kharashka rubuc sano, bishii kasta ama toddobaad kasta ahaan.

Habka ugu fudud ee lagu bixiyo Liisankaaga TV ayaa ah internetka, iyada oo toos loogu dallaco kaarka lacagta ay kuugu jirto ama kaarka deynta.

Siyaabaha lacagta lagu bixiyo:

Ku Dallac Toos Kaar Lacag

Waxaad u bixin kartaa Shatiga TVgaaga hal mar qura, ama aad u baahsan kartaa khrashka bishii kasta ama rubuc sano kasta. Waxaan uga qaadan doonaa lacagta liisankaaga si toos oo ootamaatik ah, si aadan marna uga welwelin inaad seegto bixinta.

Kaddib marka Ku Dallaca Tooska ee Kaarka Lacagta la dejiyo, liisankaaaga ayaa loo cusboonaysiin doonaa si toos ah sannad kasta, si aadan waligaa halis ugu noqon liisan la'aan.

Haddii aad ka guurto guriga, waxaad hubisaa inaad noo sheegto si aan ugu wareejino Liisankaaga TV cinwaankaaga cusub.

Waxaad ka samaysan karta internetka Kaarka Ku Dallaca, ama adiga oo waca 0300 790 6044* oo faahfaainta bangigaaga wata. Fadlan ogsoonow haddii aad go'aansato inaad ku bixiso rubuc sanahiiba, waxa jiri doonta ku dallac ah £1.25 oo lagu daro bixin kasta.

Kaarka ku dallaca/deynta

Ku bixi Liisankaaga TV kaar ku dallac ama deyn internet ahaan, taleefanka ama kaar ku dallac goob PayPoint (ama laan boosto markay tahay Channel Islands). Fadlan xaqiiji inaad haysato faahfaahinta liisankaaga markaad bixinayso. Haddii aad cusboonaysiinayso Lisaankaaga TV waxtar ayay leedahay, haddii aad haysato lambarka liisankaaga oo aan dhicin.

Kaarka lacag bixinta Liisanka TVga

Waxaad ku fidsan kartaa bixinta kharashka Liisankaaga TV laga bilaabo asbuucii £6.50 adiga oo isticmaala kaarka lacag bixinta. Waxaad ugu isticmaali kartaa inaad ku bixiso internetka, taleefanka, farriin tekst, ama goob kasta oo PayPoint ha ahaatee, (ama xafiis boosto ku yaal Islands Channel). Haddii aad cusboonaysiinayso Lisaankaaga TV waxtar ayay leedahay, haddii aad haysato lambarka liisankaaga oo aan dhicin.

Si wax dheeraad ah aad uga ogaato oo aad weyddiisato kaarkaaga bixinta, wac 0300 555 0286. Wicitaanka waxa lagaga jawaabi doonaa Ingiriisi, laakiin waxaad codsan kartaa inaad la hadasho qof ku hadla luqaddaada.

Meesha lagu bixiyo:

Internet ahaan

Waxa aad ku bixin kartaa lacagta Shatigaaga TVga kuna maarayn kartaa tafaasiisha Shatigaaga TV websaytkayaga. Waxaad bixin kartaa oo aad ku maarayn kartaa Liisankaaga TVga boggayaga internetka. Waxa kale oo aad weyddiisan kartaa inaad hesho Liisanka TVga iyo wixii wada-xiriir kale ah iimayl ahaan, laakiin cinwaanka emailkaaga yaa kaliya lahaan kara xuruufo iyo tirooyin luqadda Ingiriisiga ah.

Waxaad ku bixin kartaa Liisankaaga TV kaarka ku dallaca ama deynta ama adiga dejista sameynaayo ah Ku Dallac Toos Ah.

Fadlan faahfaahinta bangigaaga soo qaado, oo xusuuso in foomka lacag bixintu noqon doono Ingiriisi.

Taleefan

Haddii aad haysato kaarka ku-dallaca ama deynta– sida Maestro, Delta, Solo, Visa ama MasterCard– waxaad ku bixin kartaa Liisankaaga TV adiga oo waca 0300 790 6044*. Fadlan hubi inaad wadato faahfaahinta kaarkaaga.

PayPoint

Waxaad tegi kartaa PayPoint kasta oo aad ka iibsan kartaa Liisan TV kaash ahaan ama kaarka ku-dallaca. Kaliya waxaad u baahan doontaa inaad siiso kaaliyaha dukaanka magacaaga iyo cinwaankaaga.

Waxa jira in ka badan 28,000 PayPoint oo ku kala yaal guud ahaan UK, oo aad ka heli doonto dukaammada yaryar, iibiyeyaasha wargeysyada, dukaammada khamriga, dukaammada waawayn iyo goobaha shidaalka. Qaar badan ayaa furan saacado badan, toddobada maalmood usbuucii. Waxaad halkaan ka heli kartaa PayPoint-kaaga ee deegaanka.

Ma jiraan goobo laga helo PayPoint gudaha Channel Islands. Halkii aad ku bixin kartaa in kasta laanta xafiiska boostada.

Boostada

Waaxaad u diri kartaa jeeg TV Licensing, Darlington DL98 1TL.  Fadlan ku hagaaji jeegga in la siiyo ‘TV Licensing’ oo loogu talo galay lacagta liisanka oo buuxda, oo waxaad xusuusnaataa inaad ku qorto magacaaga, cinwaankaaga iyo koodhka boostada xagga dambe ee jeegga. Fadlan lacag kaash ah ha soo dirin.

Ma heeli karta dhimis?

Indhoole (aragga oo aad naafo ka tahay)

Haddii aad tahay indhoole (aragga oo aad naafo ka tahay) oo aad keeni karto caddayn saxda ah, waxaad xaq u leedahay in aad codsato qiimo dhimis 50% ah.

Haddii aad qayb ahaan wax arki kartaa (aragga oo naafo ah) uma qalantid.

Si aad u dalbato, si toos ah u booqo tvlicensing.co.uk/blind.

Da'da 74 ama ka weyn

Haddii aad jirtid 74 sano ama ka weyn, waxaad xaq u yeelan kartaa shati muddo gaaban ama mid lacag la'aan ah.

Ganacsiyada iyo ururrada

Goobta ganacsigaagu waxay u baahan tahay inay leedahay Shatiga TV haddii hawlwadeenadu, macaamiishu ama martidu daawadaan ama duubtaan barnaamijyada TVga ee tooska ah ee janal kasta, ama soo dejistaan ama ku daawadaan barnaamijyada BBC iPlayer. Tani waxay khusaysaa aalad kasta oo aad bixisay, iyo sidoo kale aalad kasta oo iskeed isku wadda oo aad galisay dabka.

Haddii ganacsigaagu leeyahay hal xarun oo kaliya, waxa dhici karta inaad u baahan tahay hal Shati TV. Shatiga qiimihiisu waa £169.50sannadkii cinwaan kasta waxaana lagu isticmaali dhammaan aaladaha lagu isticmaalayo cinwaankaas. Habka ugu fudud eelagu bixiyo Shatiga TV kalida ahayaa ah internetka, iyada oo la istcimaalo kaarka lacag ku dallaca ama kaarka deynta, ama Ku Dallac Toos ah.

Haddii aad u baahan tahay in lagu isticmaalo ka badan hal cinwaan, qaabka ugu fudud waa helista Shatiga TVga Kooxda Shirkadda. Ma jiraan wax foomam ah oo la buuxiyaa. Waxa kaliya ee aad u baahan doontaa inaad hal jeer bixiso lacag sannad kasta, oo waxaad heli doonaa kaliya hal xusuusin taas oo loo diri doono hal cinwaan. Si aad u bixiso lacagta Shatiga TVga Kooxda Shirkadda, naga soo wac 0300 790 6165* waanannu ku soodhawaynaynaa.

Liisankaaga TVga ma hoos yimaaddiin:

  • meelaha la deggan yahay ee goobtaada ku yaal,
  • naadiayada samafalka ama bulsheed ee ku yaal goobtaada laakiinse ay socodsiiyaan kuwo kale,
  • goobaha aad uga hoos kireyso ururo kale, ama
  • adeegyada soo-dhawaynta

Waxaa kale oo ay leeyihiin xeerar ka duwan marka yihiin huteellada, hosteelllada, adeegyada gawaarida saaran, iyo goobaha xeryaha ah.

Fadlan ogow: haddii muusiga marnaba laga ciyaaro dhismooyinkaaga oo macaamiisha ama shaqaalaha – ayadoo lagu dhagaysanaayo raadiyowga, Telefishanka, kumbuyuutar ama CD/DVD, tusaale ahaan – inta badan waxaad ubaahanaysaa inaad iibsatid shatiga muusiga ee PPLPRS. Booqo www.pplprs.co.uk si aad uhesho wixii warbixin dheeraad ah.

Waa maxay shuruudaha iyo xaaladaha Shatiga TV ee istaandarka ah?

Adiga waxa loo jeedaa qofka ku magacaaban shatiga.

Waa maxay Shatiga TVga ee looga baahan yahay?

Inaad ku rakibtaan oo aad isticmaashaan qalabka TVga halkan oo ah meesha shatiga leh. Waxa loo isticmaalaa:

  • daawashada iyo duubista barnaamijyada marka ay ka socdaan TVga ama si toos ah uga socdaan adeegga TVga ee onlaynka ah, oo ay kujiraan barnaamijyada ka baxa internetka iyo barnaamijyada satalaytka ee ka imanaya UK, iyo
  • daawashada iyo soo dejisashada barnaamijyada BBCda marka aad doonto, oo ay kujiraan catch up TV, ee BBC iPlayer.

Waxaad taas ku samayn kartaa alaad kasta, oo ay ka midka yihiin TVyada, kombiyuutarrada miiska, laabtobyada, taleefannada gacanta, taabletyada, shaashadaha ciyaarta, sanduuqyada dhijitaalka ah iyo duubayaasha DVD/VHS ama wixii kasta ee kale.

Shatigu wuxuu oggolaanayaa ku isticmaalka iyo ku rakibista qalabka TVga:

  • Goobta shatiga haysata ee cid kasta.
  • Gaadiid, doon ama gaadiid lagu nool yahay ee:
    • Adiga iyo qof kasta oo sida caadiga ah kugula nool goobta shatiga leh (laga reebo gaadiidka lagu nool yahay ee aan socon marka qofi daawanayo ama duubayo TV ka socda goobta shatiga leh).
    • Qof kasta oo sida caadiga ah ka shaqeeya goobta shatiga leh (ilaa inta gaadiidka, doonta ama gaadiidka lagu nool yahay loo isticmaalayo ujeeddo ganacsi).
  • Ku isticmaalka qalabka TVga ee ku shaqeeya beetariyo gudaha ah meel kasta ee adiga iyo cid kale oo sida caadiga ah kugula nool goobta shatiga leh.

Shatiga sida badan kuma jiraan:

  • Shatigani ma daboolo meelaha ay deggan yihiin kireystayaasha, ku noolayaasha ama martida lacagta bixisa.
  • Meelaha iyagu isku filan.
  • Meelaha ay daboolaan qaar kale oo sharci ahaan gaar ah.
  • Meelaha xarumaha ganacsiga ee loo isticmaalo ujeeddo kale.

Shatiyada madowga iyo caddaanka

Xitaa haddii aad leedahay TV madow iyo caddaan ah, waxaad u baahan tahay shatiga TVga midabka leh si aad u duubato barnaamijyada. Sababtuna duubayaasha DVD, VHS iyo sanduuqa dhijitalka ah ayaa wax ku duuba midab ahaan. Shatiga TVga madow iyo caddaanka ah ayaa kaliya sharci noqon doona haddii aad isticmaasho sanduuq dhijitaal ah oo aan duubi karin barnaamijyada TVga.

Shuruudo kale.

  • Waan joojin karnaa ama beddeli karnaa shatigaaga. Haddii aan joojino, waan kuu wargalin doonaa.
  • Haddii aan beddalno shuruudaha shatiga, waxaan ku soo daabacaynaa ogeysiis guud barta internetka BBCda iyo, haddii aan u tixgalino inay habboon tahay, in warbaahinta kale ee qaranka.
  • Saraakiishayada ayaa laga yaaba inay ku soo booqdaan si ay u hubiyaan xogtayada oo ay u eegaan qalabkaaga lagu Daawado TVga. Qasab kuguma aha inaad u oggolato inay soo galaan.
  • Qalabka qaabbila TVga waa inaanu sababin ka dhexgal aan macquul ahayn raadiyaha ama helidda TVga.

Ma u malayn inaad u baahan tahay Shati TV? Haddaba hubi.

Fadlan ogow: shuruudo iyo xaalado gooni ah inay khuseeyaan noocyada soo socda ee Shatiga TVga: Shatiga TVga huteelka iyo guryaha wareega, Shatiga TVga ARC ee qiime dhimiseed iyo Shatiga TVga guryaha madadaalada. Haddii aad leedahay kuwan midkood, fadlan ka fiiri shatigaaga shuruudo iyo xaalado cayiman ama nala soo xidhiidh si aad u hesho macluumaad dheeraad ah.

* Wicitaanka lambarrada 0300 ayaan kugu kacayn wax ka badan saamiga heerka qaran ee loo sameeyo lambarka 01 ama 02, haddii u yahay taleefan gacanta ama khadka dhulkaba. Wicitaanka khadka dhulka ayaa sida caadiga ah lagu dallaci doonaa illaa 9p halkii daqiiqaba oo waicitaanka ka yimaad taleefanka gacanta ayaa sida caadiga ah ku kici doona inta u dhexaysa 8p iyo 40p daqiiqaddiiba. Haddii aad hesho daqiiqadaha la raaciyo heshiiska taleefankaaga gacanta ama khadka dhulka, wicitaanka loo diro lambarka 0300 ayaa la raacin doonaa.

 

General information about TV Licensing is available in other languages: